Home Wararka Maanta Madaxweynaha Hirshabelle oo si aan laga firisan xilka uga qaaday Gudoomiye Jeyte

Madaxweynaha Hirshabelle oo si aan laga firisan xilka uga qaaday Gudoomiye Jeyte

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweynaha ayaa goor dambe oo xalay ahayd Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu tallaabadan qaaday, ka dib markii uu u soo jeediyay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), isla-markaana uu Madaxweynuhu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dardargelinta howlaha kala duwan ee horyaala Maamulka Gobolka Hiiraan iyo mideynta bulshada, si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Tani ayaa ka careysiisay bulshada reer Hiiraan, iyadoona ay maanta Magaalada Beledweyne isugu soo baxeen dadweyne fara-badan oo ka biyo diidan xil ka qaadistaasi.

Gudoomiye Jeyte ayaa horkacayay hawlgalada dib-u-xoreynta gobolka, taas oo taageere xoog leh uu kaga kasbaday shacabka Soomaaliyeed.

Jeyte oo lahaa abaabulka iyo dardargelinta wejigii hore ee hawlgalka ayaa keentay in ciidamada iyo dadka deegaanka oo wada socda ay muddo kooban kula wareegaan deegaanadii ay Shabaabku ka haysteen bariga gobolkaasi, isagoona haatan waday qorshihii xigay ee lagu qaban lahaa dhanka galbeed ee gobolkaasi.

Dad badan oo siyaasiyiin iyo waxgaradba leh ayaa la anfariirsan tallaabada aan laga fiirsaday ee uu qaaday Madaxweyne Guudlaawe, oo dadka qaarkii ay u fasirteen mid uu culeyska kaga qafiifinayo kooxaha argagixisada ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiye Jeyte ayaa ahaa gudoomiye goboleedka qura ee hormuudka ka ahaa hawlgalada ay ciidamada iyo dadka deegaanka ku wiiqayaan mintidiinta Al Shabaab, waana tan sawirka ka bixisay in uu ka duwan yahay gudoomiyeyaasha kale ee ku magacaaban gobolada kale, dadka qaarkiina ay is tusaan inuuba yahay hoggaamiye dhab ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc