Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Iran oo aargudasho ugu hanjabay Israel

Madaxweynaha Iran oo aargudasho ugu hanjabay Israel

by Laacib

Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi ayaa si kulul u cambaareeyay duqaynta Sabtidii ka dhacday dalka Suuriya ee lagu dilay 5 ka mid ah La taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka Iran.

Duqaynta oo ka dhacday Caasimadda Damascus ayaa lagu bartilmaameedsaday dhisme ay ku sugnaayeen saraakiishan oo ka hawlgelayay dalkaasi.

Madaxweynaha Iran ayaa weerarka ku tilmaamay mid fuleynimo ah, isagoona wacad ku maray in Tehran ay ka aargudan doonto Maamulka Israel.

Madaxweynaha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhiigga saraakiisha reer Iran ee la daadiyay aanu noqon doonin mid meel cidla ah ku daata.

“Shaki kuma jiro sii socoshada falalka argagixisanimo iyo dembiyada abaabulan aanay noqon doonin kuwo jawaab la’aan ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Raisi.

Madaxweynuhu ma sheegin goorta ay aargudan doonaan iyo haddii ay Israel ku beegsanayaan dhulka ay ka arrimiso.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Nasser Kanaani ayaa goor sii horreysay sheegay in Tehran ay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarka lagu laayay saraakiisheeda.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in weerarka lagu dilay Saraakiisha Ilaalada Kacaanka ay aargudan doonaan waqtiga saxda ah ee ku habboon.

“Waxaan ka jawaabi doonnaa weerarka waqtiga iyo goobta ku habboon.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Israel ku eedeeyay inay sii hurineyso colaadda gobolka.

Saraakiisha lagu dilay dalka Suuriya ayaa lagu kala magacaabi jiray Hojjatollah Omidvar, Ali Aghazadeh, Hossein Mohammadi, Saied Karimi iyo Mohammad Amiin Samadi.

Ma cadda nooca ay noqon doonto falcelinta Iran, haddana waxaa jirta walaac amni oo dadka qaarkii ay ka muujinayaan in gobolka uu ka qarxi karo dagaal toos ah oo u dhaxeeya Tehran iyo Tel Aviv, inkastoo labada dowladoodba ay muujinayaan inaanay haatan diyaar u ahayn dagaal buuxa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc