Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Iran oo booqasho taariikhiya ku tegay dalka Kenya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Iran oo booqasho taariikhiya ku tegay dalka Kenya (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha dalka Iran, Ebrahim Raisi ayaa maanta gaaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho saddex qaadaneysa oo uu ku marayo Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay dhiggiisa Iran, iyadoona uu socdaalkiisan la xiriiro mid uu ku xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga dhaqaalaha ee qaaradda.

Safarkiisan Kenya oo lagu waday inuu bilowdo Talaadadii ayuu dib u dhac ku yimid hal maalin, si loo dhameystiro heshiisyada is afgaradka ee Raisi iyo Ruto ay saxiixi lahaayeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Wasiirada labada dal ayaa Arbacadan kala saxiixday 5 heshiis oo is afgarad ah, lana xiriira teknoloojiyadda, kalluumeysiga, wax soosaarka beeraha, xoolaha nool iyo kor u qaadista maalgashiga, sida ay dowladuhu ku dhawaaqeen.

Madaxweyne Ruto ayaa shir jaraa’id ka sheegay in Madaxweynaha Iran uu doonayo inuu kor u qaado xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya dalalka Afrika.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka qaaradda aanay ku qanacsanayn qiimaha ganacsiga ee suuqyada caalamiga, ayna tahay in Hoggaamiyeyaasha Afrika ay la yimaadaan tallaabooyin ay wax kaga qabanayaan sicir bararka baahsan ee ka jira dalalka.

“Mid naga mid ah kuma qanacsana qiimaha ganacsiga ee hadda jira iyo wax isweydaarsiga dhaqaale ee xilligan ka dhaxeeya dalalka.” Ayuu yiri Ruto

Ruto ayaa hadda dhiggiisa Iran ka rajeynaya in Kenya uu kala shaqeeyo fududeynta dhoofinta caleenta shaaha, hilibka xoolaha nool iyo wax soosaarka kale ee beeraha Kenya, loona iibgeeyo Iran iyo dalalka kale ee dhaca bartamaha Asia.

Muddada sanadka ku dhow ee Madaxweyne Ruto uu xafiiska joogo ayaa waxay Kenya la daallaa dhaceysay kororka dulsaarka ee amaahda lagu leeyahay iyo sare u kac ku yimid qiimaha machiishadda, iyadoona Arbacadan ay dalkaasi ka sii socdaan dibadbaxyada ay soo abaabuleen mucaaradka ee ka dhanka ah dowladdiisa.

Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa Afrika ku tilmaamay qaarad fursad, isla-markaana uu xoojin doono xiriirka iyo iskaashiga ganacsi ee dalkiiisu la leeyahay wadamada Afrika.

Madaxweyne Raisi ayaa sidoo kale tagi doona dalalka Uganda iyo Zimbabwe.

Socdaalkan uu ku marayo qaaradda ayaa noqonaya kii ugu horreyay ee Hoggaamiye Iran ah uu ku yimaado Afrika, muddo 10 sano ah.

Booqashadan tii ka horreysay ayuu Madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad ku yimid Afrika, sanadkii 2013.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc