Home Wararka Maanta Madaxweynaha iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka wada hadlay xaaladda gobolka

Madaxweynaha iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka wada hadlay xaaladda gobolka

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka teleefanka kula hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo xasillooni la’aanta ay gobolka u horseedi karto xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliya.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xoghaye Guterres u sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan aqbali karin in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay aragtida iyo siyaasadda Dowladda Federaalka Somaliya, oo ku dhisan deris wanaag, iskaashi iyo is ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo Dowladda Somaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hoggaanka Ciidanka Difaaca Shacabka kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay xoojinta amniga iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka soo baxaan guryaha, kana qayb qaataan dibadbaxyada.

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya, ee ah in ay marin badeed ka hesho dalka ayaa lagu wadaa in Khamiista uu ka dhaco Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc