Home Wararka Maanta Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay sharciyo kala duwan (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay sharciyo kala duwan (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa saxiixay illaa sharci oo kol hore ka soo gudbay Baarlamaanka Jubbaland, ka dib markii Xildhibaanadu ay meelmariyeen.

Sharciyadan oo ay soo diyaariyeen Wasaaradaha Jubbaland qaybtood ayaa muddooyinkii ugu dambeysay yaallay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa haddaba saxiixay sharciyadan oo kala ah:-

Sharciga Shaqaalaha aan Dowliga ahayn iyo Sharciga Shaqaalaha Ajaanibta, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada & Arrimaha bulshada.

Sharciga Maalgashiga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorshaynta & xiriirka Caalamiga.

Sharciga Shatiyada Jubbaland oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

Sharciga Lahaanshaha Dhul Beereedka iyo Sharciga Iskaashatooyinka Beeraha ee Jubbaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc