Home Wararka Caalamka Madaxweynaha KG iyo Wasiir Jaamac oo la kulmay odayaasha reer Diinsoor (SAWIRRO)

Madaxweynaha KG iyo Wasiir Jaamac oo la kulmay odayaasha reer Diinsoor (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa gelinkii dambe ee maanta la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Masuuliyiintan ayaa Odayaasha Dhaqanka kala hadlay u diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen.

Madaxda ayaa sidoo kale odayaasha kala hadlay xoojinta midnimada iyo wadajirka ee dadka deegaanka, xilligan uu dalka u jiheysanayo hawlgal militari oo lagu xoreynayo dhulka maqan.

Wasiir Jaamac oo kulankaasi ka hadlayay ayaa sheegay in mar dhow ay deegaanada Koonfur Galbeed ka bilaaban doonaan hawlgalo uu tilmaamay in lagaga ciribtirayo Shabaabka hubeysan.

Wasiir Jaamac ayaa odayaasha reer Diinsoor ka codsaday in ay dadka deegaanka ku hoggaamiyaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, si mustaqbalka dhow loo gaaro Somaliya oo xor ka ah kooxaha argagixisada.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ee Koonfur Galbeed, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Villa Somali ayaa naawileysa in dhawaan uu gulufku si isku mida uga bilowdo deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc