Home Wararka Maanta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Shabellaha Hoose

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), isagoona mid kale magacaabay.

Madaxweynaha ayaa Maxamed Ibraahim Barre u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynahaha ayaa Xeer Madaxweyne xilka kaga qaaday Gudoomiyihii hore, kuna soo magacaabay midka bedelaya.

Maxamed Ibraahim oo nin dhallinyaro ah ayaa horey u soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, xilligii Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhanka kale Madaxweyne Laftagareen ayaa Maxamed Cumar Axmed u magacaabay inuu noqdo Hanti Dhowraha Guud ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa wareegto ku sheegay inuu ku qancay aqoonta iyo waaya-aragnimada ee ninkaasi, isla-markaana uu garowsaday in jegadaasi uu ku habboon yahay.

Tani ayaa ku soo aadaysa, iyadoo Koonfur Galbeed ay isku diyaarineyso wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc