Home Wararka Maanta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir guddoomiyay shir la xiriira amniga (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir guddoomiyay shir la xiriira amniga (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golihiisa Wasiirada, oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Wasiirada Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Xaaji Xasan iyo Amniga Xasan Cabdiqaadir Maxamed.

Wasiirka Amniga ayaa golaha la wadaagay in duqaymihii toddobaadkii hore ka dhacay duleedka Degmada Buurhakaba iyo tuulooyinka hoostagga deegaanka Goofgaduud Buurey, oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo ay khasaare lixaad lihi ka soo gaareen maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in duqaymahan ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga.

Sidoo kale shirka ayaa lagu soo hadalqaaday Dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmada Buurhakaba iyo waxa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka qabatay, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu sheegay in wasaaraddiisu ay soo geba-gabeysay Dhismaha Golaha Deegaanka ee Buurhakaba, haddana ay wasaaraddu ku howlan tahay maamul u sameynta Golaha Deegaanka ee degmooyinka kale ee Koonfur Galbeed.

Dhanka kale shirka ayaa intii uu socday waxaa goobta lagu dhaariyay laba Wasiir, kuwaa oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, Mustaf Axmed Iidow iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka, Isaaq Cali Subag.

Wasiiradan ayaa ka mid ah xubno Wasiiro ah oo Madaxweyne Laftagareen uu magacaabay 22-kii bishan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc