Home Wararka Maanta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tababar u soo xiray ciidan cusub (SAWIRRI)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tababar u soo xiray ciidan cusub (SAWIRRI)

by Laacib

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta tababar u soo xiray ciidan cusub oo ku biiraya Booliska Gaarka ee Koonfur Galbeed.

Ciidamadan oo noqonayo dufcaddii 8aad ee Booliska Gaarka ee Koonfur Galbeed ayuu muddooyinkii ugu dambeysay uu tababar uga socday Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayay munaasabadaasi ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay tababarka ay dhameysteen.

“Waxaan rabaa inaan iraahdo ciidanka cusub hambalyo, hambalyo, ku soo biira Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya, ku soo biira Ciidamada Gaarka ee Booliska Koonfur Galbeed oo loogu talagalay inay dalkooda, dadkooda, diintooda iyo dowladooduba difaacaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in wixii xilligan ka dambeeya ay si rasmi ah uga mid yihiin Ciidamada Qalabka Sida, isla-markaana ay u fasaxan yihiin inay xirtaan koofida ciidanka.

“Laga bilaabo saacaddan waxaa ka mid tihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa tihiin Booliska Gaarka ee Koonfur Galbeed, ciidanimada way idiin bilaabatay, waxaana u fasaxan tihiin inaad xirataan koofida ciidanka.” Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ciidamada ku booriyay in ay qayb ka noqdaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana ay noqdaan qaybta ugu muhiimsan ciidamada ee dalka ka ciribtiraya kooxaha argagixisada.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Guddoonka Maxkamadda Ciidamada Militariga.

default

default

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc