Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Mareykanka oo Israel uga digay in ay qabsato Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo Israel uga digay in ay qabsato Gaza

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa khalad weyn ku tilmaamay in Israel ay si buuxdo ula wareegto gacan ku haynta Marinka Gaza.

Madaxweynaha ayaa Israel uga digay inay qabsato Gaza, xilli maalmihii ugu dambeysay ay isa soo tarayeen wararka sheegaya in maamulkaasi uu isu diyaarinayo hawlgal dhinaca dhulka ah oo laga fuliyo Gaza.

Madaxweynaha ayaa Warbaahinta CBS u sheegay in uu qabo in meesha laga saaro Xoogaga Xamaas, balse ay khalad weyn noqon doonto, haddii Israel ay qabsato Gaza.

“Qabsashada Gaza waxay noqon doontaa khalad weyn, haddii ay dhacdo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka oo Israel ku booriyay in ay ogolaato gargaarka bani’aadanimo ee Gaza.

“Waxaan ku kalsoonahay in Israel ay ku dhaqmi doonto sharciga caalamiga ah ee dagaalka.” Ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa tilmaamay in uu taageeray marin bani’aadantimo oo dadka u ogolanaya in ay si nabdoon uga baxaan Gaza.

Waxa kaloo uu sheegay in Aqalka Cad uu taageeray dadaalada socda ee gargaarka lagu gaarsiinayo dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan biyo iyo cunto.

Madaxweyne Joe Biden ayaa wareysiga ku sheegay “Waxaa loo baahan yahay in la helo waddo loo maro dhismaha qaran Falastiin ah.”

Madaxweyne Biden ayaa ka digay in ay kororto khatarta argagixisanimo ee Mareykanka, sababo la xiriira rabshadaha sii kordhaya ee ka jira Bariga Dhexe.

Mareykanka ayaa wajahaya cadaadis xoog leh oo uga imaanaya hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa caalamkaba, marka aad eegto xaaladda bani’aadantimo ee ay Israel ka abuurtay dhulka Falastiiniyiinta.

Maamulka Israel ayaa lagu eedeeyay in ay si cad uga horyimaadeen baaqyada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ku aaddan in maamulkaasi uu soo afjaro go’doominta lix iyo tobanka sano ee saaran Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc