Home Wararka Maanta Madaxweynaha oo booqday Xarunta Safaaradda Emirate-ka Carabta ee Muqdisho

Madaxweynaha oo booqday Xarunta Safaaradda Emirate-ka Carabta ee Muqdisho

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay booqday Xarunta Safaaradda Emirate-ka Carabta ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Safiirka Emirate-ka Carabta u jooga dalka, Danjire Ahmed Juma Al-Rumaithi, kaas oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Safaraadda Emirate-ka Carabta ee Muqdisho ayaa kulan is xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Facebook.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.”

Qoraal kale oo lagu daabacay barta Villa Somalia ee X (Twitter) ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu aad ugu faraxsan yahay taageerada Abu Dhabi ee Muqdisho.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay taageerada dhinacyo badan leh ee Emirate-ka Carabta ay Somaliya ka siiyaan dhinacyada amniga iyo horumarka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii Sabtidii ka dhacay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho ee lagu dilay afar ka mid ah Saraakiisha Emirate-ka Carabta ee dalka u jooga tababarka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Weerarkaas oo ay Al Shabaab sheegatay ayaa waxa kaloo lagu dilay Sarkaal kale oo u dhashay dalka Bahrain.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc