Home Wararka Maanta Madaxweynaha oo ka hadlay qaraxii gilgilay Magaalada Beledweyne

Madaxweynaha oo ka hadlay qaraxii gilgilay Magaalada Beledweyne

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qaraxii weynaa ee maanta ruxay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay qaraxaasi.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxa argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan guud ahaan dadkeenna. Masaajiddii ayay duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayay dilayaan, haldoorka bulshada ayay dilayaan. Waa nimanka qaraxa ku burburiyay maanta Masaajidka Baledweyne, shalayna Masaajidkii Daaru-nicma. Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in falalka guracan ee kooxaha argagixisada aanay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ka hor istaagi doonin in dalka laga ciribtiro kooxahaasi.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka argagixisanimo aysan ka hor istaageyn shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dabar-goynta Khawaarijta ku been abuurta diinteenna suubban ee qaraxyada ku xasuuqa shacabka, burburiya Masaajidda iyo goobaha lagu barto Quraanka.” Ayaa lagu yiri warka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadowga caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan argagixisanimo in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadowgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.” Ayaa lagu sheegay warka.

In ka badan labaatan qof ayaa la xaqiijiyay in qaraxaasi ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyo fara-badan ayaana la geeyay goobaha caafimaadka ee ku yaala magaaladaasi.

Qaraxan oo ismiidaamin ahaa ayaa loo adeegsaday gaari nooca xamuulka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu weeraray kontoroolka Horseed ee dhanka bari ee magaalada. Kontoroolkan ayaa ahaa mid lagu canshuuro gaadiidka.

Illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaase si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc