Home Wararka Maanta Madaxweynaha oo sheegay in dad loo soo xiray weerarada Shirkadda Hormuud (SAWIRRO)

Madaxweynaha oo sheegay in dad loo soo xiray weerarada Shirkadda Hormuud (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan dadweyne oo su’aalo lagaga weydiinayay hawlgalada dalka ka socda, qorshaha xasillinta, cunuqabateynta hubka ee la qaaday, qalabeynta iyo tayaynta ciidamada, daynta dalka laga cafiyay, dastuurka, bixitaanka ATMIS iyo ku biiritaanka Somaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Mid ka mid dadkii doodda dadweynaha ka qaybgalay ayaa Madaxweynaha weydiiyay su’aal ahayd weerarada muddooyinkii ugu dambeysay ay maleeshiyada Al Shabaab ku hayeen Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom iyo waxa kaga aaddan Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaanay Dowladda Federaalka ka qarsoonayn weeraradaasi, ayna jiraan dad loo soo xirxiray oo baaritaano ay ku socdaan.

Madaxweynaha ayaa sheegaya in maalin maalmaha ka mid ah ay dadku arki doonaan, iyadoo la maxkamadeynayo kuwii ku lugta lahaa weeraradaasi.

“Shirkadda Hormuud waa shirkad Soomaaliyeed, qoysas Soomaaliyeedna ay ku wada nool yihiin, adeeg nadiif ah dalka keentay, in hadaf laga dhigto oo adeeggii la burburiyo oo dadkii adeeggaasi ka shaqeynayay jidka lagu ugaarsado oo la dilo, cadaawadda iyo colka ay qabaan nimankan ayay ka mid tahay, waan ka xunahay, laakiin waxaan inaan kuu sheego dowladda kama indha la’a, dad badan ayaa u xirxiran arrimahaasi oo baaritaanka uu ku socdaa, oo maqli doontaan ayadoo la leeyahay qaraxii saas ahaa oo lala beegsaday injineeradii Hormuud ama anteenadii isgaarsiinta iyo wax la mid ah, iyadoo maalin maalmaha ka mid ah maxkamadda la hortaagan yahay waad arki doontaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubno ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay beegsanayay Shirkadda Hormuud.

Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka oo ay ugu horreyso Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa si dhow u baaraya dadkii ka masuulka ahaa weeraradaasi iyo kuwa kale ee ay suurtagalka tahay in weli ay weeraro ay qorsheynayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc