Home Wararka Maanta Madaxweynaha oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka

Madaxweynaha oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa shir guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirka ayaa lagaga hadlay dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, dhameystirka bixitaanka Ciidanka ATMIS iyo diyaargarowga qorshaha hawlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga, marka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay ka baxaan dalka.

Madaxweynaha ayaa laamaha amniga ku adkeeyay inay ka dhabeeyaan hirgelinta Xeerka Xakameynta Hubka ee lagu maamulayo dalka.

“Madaxweynaha oo dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka ayaa ku adkeeyay hay’adaha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, ka dib qaadistii cunaqabateynta hubka, waxa uuna tilmaamay in guusha laga soo hoyay qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo masuuliyiin kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc