Home Wararka Maanta Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub (SAWIRRO)

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Dhuusamareeb ku sugan ayaa waraaqaha aqoonsiga ee Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub Midowga Yurub ee dalka, Karin Johansson.

Danjiraha cusub ee Midowga Yurub oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxeysa Somaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Karin Johansson ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Somaliya, gaar ahaan hawlgalada sifeynta Al Shabaab iyo sugidda amniga dalka, Madaxweynaha ayaana u xaqiijiyay Danjiraha in Dowladda Federaalka ay si buuxdo ula shaqayn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Karin Johansson ayaa bedelaysa Tiina Intelmann, oo ahayd Safiirkii Midowga Yurub ee dalka u joogay labadii sano ee ugu dambeysay.

Danjire Karin ayaa noqonaysa Safiirkii ugu horreyay ee Madaxweynuhu uu waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomo meel ka baxsan Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc