Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo ku hanjabay in Puntland ay si gaar ah u dhaqmi doonto

Madaxweynaha Puntland oo ku hanjabay in Puntland ay si gaar ah u dhaqmi doonto

by Laacib

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga horyimid heshiiskii ay 27-kii bishan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland oo shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran dibadda ka joogay ayaa sheegay inaanay Puntland qayb ka ahayn heshiiskaasi, qodobada ka soo baxayna aanay khuseynin.

“Waxaan rabaa inaan halkan ka sheego Puntland qayb kama ahayn heshiiskaasi, waxa ka soo baxayna ma khuseyso, sababtana waxa weeye markii hore kuwa aan ka baaqsanay iyo kuwii aan saxiixi weynayba, waxaan u jeednay in dalka meel khaldan loo wado, oo aasaaskii iyo heshiiskii bulsho ee dowladda hadda jirta lagu dhisay la rabo in la baalmaro oo meel kale loo socdo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Waxa kaloo uu yiri “Dabcan dalkan waa dal jilicsan, waa dal la rabo in lagu dhiso sharci adag oo lagu wada kalsoon yahay. Mowqifka Puntland horaan u caddeynay, dastuurka ayayna ku dhigan tahay, waxa aan dooneyno waxa weeye waa dal Soomaaliyeed oo wadajira, heshiis ah, dimoqraadi ah oo federaal ku saleysan.”

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland oo maanta ka hadlayay Magaalada Boosaaso ayaa ka dhawaajiyay in Puntland ay si gaar ah u dhaqmi doonto, illaa iyo inta laga helayo wax heshiis lagu yahay.

“Awoodaha qaanuuniga ah ee hadda Dowladda Dhexe ay leedahayna, runtii waddadii way ka leexatay, Puntland-na way caddeysay mowqifkeeda ah, iyadoo raaceyso dastuurkeeda iyo kan Dowladda Federaalkaba inay si gaar ah u dhaqmeyso, inta laga helayo miyir-qab iyo wax heshiis lagu yahay.” Ayuu yiri Deni.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in dalka oo dhan ay ka qabsoomto doorasho qof iyo cod ah, ayna tahay inay ku tartamayaan laba xisbi oo keliya, dalkuna uu yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, oo bedelaya nidaamka hadda jira ee Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.

Deni oo lagu soo martiqaaday labadii shir ee ugu dambeysay, balse iska diiday in uu ka qaybgalo ayaa la fahamsan yahay in uu khilaaf xoogani kala dhaxeeyo Madaxda Dowladda Federaalka, khilaafkooduna uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc