Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiirada 2aad ee maamulkiisa

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiirada 2aad ee maamulkiisa

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saqdii dhexe ee xalay magacaabay Wasiir Kuxigeenada iyo Wasiir Dowleyaasha cusub ee maamulkiisa, ka dib markii 28-kii bishii February uu soo magacaabay Wasiirada 1aad.

Madaxweynaha ayaa magacaabay Wasiir Kuxigeeno ka kooban 22 xubnood iyo 14 Wasiir Dowleyaal.

Xubnahan ayaa isugu jira kuwo horey ugu soo jiray siyaasadda Puntland iyo kuwo kale oo ku cusub siyaasadda.

Wasiir Kuxigeenada ayaa kala ah:-

1. Waxaa Maryan Cismaan Axmed (Fangase) loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
2. Waxaa Maxamed Axmed Qaxiye loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR.
3. Waxaa Cabdiraxmaan Khaliif Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

4. Waxaa Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda.
5. Waxaa Axmed Maxamed Bulxan loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka  Dekhliga  ee Wasaaradda Maaliyadda.
6. Waxaa Eng. Maxamed Xasan Ibraahin loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

7. Waxaa Maxamed Diiiriye Gama’diid loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
8. Waxaa Dr. Cabdirashiid Xaaji Jaamac loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.
9. Waxaa Cabduqaadir Maxamed Gaylan   loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.

10. Waxaa Faarax Cali Cabdi loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.
11. Waxaa Cabdirashiid Sheikh Cali (Dhagasayn) loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
12. Waxaa Siciido Xuseen Cali loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.

13. Waxaa Yacquub Maxamed Caddala loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska.
14. Waxaa Cabdikariin Maxamed Xasan loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.
15. Waxaa Dr. Axmed Cartan Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

16. Waxaa Ayuub Cali Axmed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada.
17. Waxaa Maxamuud Maxamed Cali (gabax) loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda
18. Waxaa Faarax Jaamac Boos loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

19. Waxaa Siciid Salaad Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.
20. Waxaa Axmed Siciid Qaloombi loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.
21. Waxaa Faa’isa Cali Ismaaciil loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
22. Waxaa Siciid Saalax Seed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Wasiir Dowleyaasha ayaa kala ah:-

1. Waxaa Cabddul Cali Warasme loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
2. Waxaa Kayse Cabdi Yuusuf loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR.
3. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacayns Dhedo loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

4. Waxaa Maxamuud Sheikh Ciid Muuse loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
5. Waxaa Faarax Maxamuud Aw- Cismaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.
6. Waxaa Cabdisalaan Cali Faarax (Biligsay) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

7. Waxaa Axmed Sheikh Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka.
8. Waxaa Maxamed Siciid Xasan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.
9. Waxaa Siciid Maxamed Warsame Awaare loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
10. Waxaa Cabdinaasir Axmed Aadan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

11. Waxaa Siciid Maxamed Raage loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda
12. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Ismaaciil loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.
13. Waxaa Cabduqaadir Jaamac Cali Afrax loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
14. Waxaa Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

Madaxweynaha oo horey u soo magacaabay Wasiirada Puntland oo ka kooban 21 wasaaradood ayaa tirada guud ee Golihiisa Wasiirada ka dhigeysa 57 xubnood.

Madaxweyne Deni ayaa Puntland sii hoggaamin doona 5-ta sano ee soo socota, ka dib markii 8-dii bishii January dib loogu soo doortay xafiiska.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc