Home Wararka Maanta Madaxweynaha Qaranka oo booqday Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer (SAWIRRO)

Madaxweynaha Qaranka oo booqday Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweynaha oo safarka ay ku wehlinayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayuu ujeedku ahaa in la dhiirigeliyo Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo shacabka kula hadlayay barxadda ama fagaaraha Xarardheere ayaa bogaadiyay ciidamada iyo dadka deegaanka ee la abaabulay ee dagaalka kala horjeeda maleeshiyadaasi.

Waxa uu sheegay in dagaalka dalka looga suulinayo kooxaha argagixisada uu heer geba-gabo ah marayo, taariikhdana ay xusi doonto halyeeyadii ku shahiiday dagaalka iyo kuwa u taagan dabargoynta kooxahaasi.

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyay waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan Geesiyaasha Difaaca Shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida waxaad muujiseen nafhurnimo, waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa min hal darajo dalacsiiyay dhammaan Saraakiisha Ururka 6aad, Guutada 18aad iyo Ururka 3aad, Guutada 17aad ee Kumaandooska Gorgor, kuwaa oo in muddo ahba ka hawlgelayay Degmada Xarardheere.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Ceeldheer ugu yeeray in ay laba jibaaraan dadaalkooda, si uu u guuleysto halganka ummadda Soomaaliyeed ee dalka looga sifeynayo kooxaha argagixisada.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa la xiriira xoojinta hawlgalada dib-u-xoreynta dalka iyo ciribtirka Shabaabka hubeysan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc