Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Ruushka oo cambaareeyay Mareykanka

Madaxweynaha Ruushka oo cambaareeyay Mareykanka

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa dhalleeceeyay go’aanka Mareykanka uu Ukraine ugu diray gantaalada ridada dheer ee ATACMS ee Mareykanku uu farsameeyo.

Gantaaladan oo nooca balaastikada ah ayaa jari kara masaafo dhan qiyaastii 150km, waana nooc gantaal oo lagu hago GPS-ka. Mareykanka ayaana ugu talagalay in lagu xoojiyo difaaca hore ee Ciidamada Ukraine.

Ciidamada Ukraine oo toddobaadkan uun la gaarsiiyay gantaalada ATACMS ayaa Talaadadii ku weeraray laba ka mid ah saldhigyada ay Ciidamada Ruushka ku leeyihiin gudaha dalkaasi Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in gantaaladan ay khatar ku yihiin ciidamadiisa ku sugan dalkaasi, isla-markaana uu Mareykanku sameeyay khalad kale, isaga oo uga la jeeda in hubka uu Ukraine siiyay uu sii adkeynayo uun xaaladda dalkaasi.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Beijing oo booqasho uu ku joogo ayaa sheegay in kaalmadan militari ee Ukraine la siiyay aanay waxba ka bedeli doonin furimaha dagaalka.

“Tani uma wanaagsana Ukraine, keliya waxay kaga sii dareysaa xaaladda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka.

Waxa kaloo uu yiri “Keenista hubkan wax faa’iido ah uma yeelan doonto Ukraine, waxayna si fudud ugu sii dheereynaysaa xanuunka.”

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaaladaasi ay ku burburiyeen sagaal ka mid ah diyaaradaha helicopters-ka ee Ruushka.

Volodymyr Zelenskyy, Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in weerarada loo adeegsaday gantaalada ATACMS ay u dhaceen si sax ah.

“Si sax ah ayay gantaalada u beegsadeen bartilmaameedyadoodii.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine oo Mareykanka kaga mahadceliyay taageeradiisa joogtada ah.

Madaxweyne Putin ayaa ku hanjabay in ciidamadiisu ay awood u yeelan doonaan in ay iska caabiyaan gantaalada casriga ah ee lagu hubeeyay Ukraine.

“Dagaalku waa dagaal, dabcan waxaan sheegay in ATACMS ay abuureyso khatar, balse tan jirto ayaa ah inaysan Ukraine ka caawin doonin in ay wax ka bedelaan xaaladda khadka xiriirka, waana wax aan macquul ahayn.” Ayuu yiri Putin.

Ruushka ayaa marar badan fashiliyay hub kala duwan oo Mareykanka iyo xulafadiisa ay ku taageereen Ukraine, si Moscow loogu khasbo xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda dalkaasi.

Mareykanka waa dalka taageerada ugu badan siiya Ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira Militariga Ruushka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc