Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo Addis Ababa kula kulmay diblomaasiyiin Carbeed

Madaxweynaha Somaliya oo Addis Ababa kula kulmay diblomaasiyiin Carbeed

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Magaalada Addis Ababa ayaa gelinkii dambe ee maanta la kulmay Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Masar, Safiirada Carabta u fadhiya Midowga Afrika iyo Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay dadaalada dowlad dhisidda Somaliya ee hadda socda iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliya iyo dalalkooda, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia ee X.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay taageerada Jaamacadda Carabta ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

“Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taageerada hagar la’aanta ah ee Jaamacadda Carabta ay siiso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta Magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay Shir Madaxeedka 37aad ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa Addis Ababa tegay, xilli ay taagan tahay xiisadda diblomaasiyadeed ee Somaliya kala dhaxeysa Itoobiya, ee ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay 1-dii bishii January kala saxiixdeen Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo Itoobiya u ogolanaya in laga kireeyo marin badeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc