Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo gaaray dalka Masar

Madaxweynaha Somaliya oo gaaray dalka Masar

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray Magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi Masar.

Madaxweynaha Somaliya ayaa dhawaan martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi, Abdel Fattah El-Sisi.

Villa Somalia ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ay ka wada hadli doonaan xaaladda Geeska Afrika iyo danaha wadajirka ah ee labada dal.

“Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan labada shacab.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalkaasi ayaa la xiriira xiisadda Somaliya kala dhaxeysa Itoobiya, oo u muuqato mid saamayn weyn ku yeelatay gobolka.

Dowlado ay ka mid tahay Dowladda Masar ayaa sheegay in loo baahan yahay in mudnaanta la siiyo in la ilaaliyo madaxbannaanida dhuleed iyo qaranimada Somaliya, ka dib heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay gaareen Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Sameh Shoukry oo adeegsaday luqad adag oo dhanka diblomaasiyadda ah ayaa Itoobiya ku dhalleeceeyay inay xudun u tahay xiisadda ka taagan gobolka.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo Khamiistii ku kulmay dalka Uganda ayaa walaac ka muujiyay xaaladda cakiran ee ka dhex taagan labada dal, waxayna ku baaqeen in la xushmeeyo mabaadii’da aasaasiga ah ee ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada iyo dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo in heshiis kasta lagu dabaqo madaxbannaanidaasi, sidoo kalena ay tahay in heshiis kasta ogolaansho looga haysto Dowladda Soomaaliyeed.

Addis Ababa ayaa dunida kala kulantay cadaadis diblomaasiyadeed oo xoog leh, oo looga dalbanayo inay dib uga istaagto heshiiska is afgaradka ah ee xiisadda culus ee siyaasadeed ka abuuray gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc