Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo gaaray dalka Qatar

Madaxweynaha Somaliya oo gaaray dalka Qatar

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Doha ee dalkaasi Qatar.

Madaxweynaha ayaa Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani la leh kulan ku saabsan xiriirka laba geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

“Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka laba geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Somaliya iyo Qatar, waxa uu la qaadan doonnaa Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Somaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada dal iyo sooyaalka labada shacab.”

Dowladda Qatar ayaa Somaliya ka taageerta arrimaha amniga, horumarinta iyo gargaarka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc