Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Asmara

Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Asmara

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Asmara ee dalkaasi Eritrea.

Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Asmara ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira adkaynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga, si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Eritrea ayaa waxaa dhowrkii sano ee ugu dambeysay tababar gaar ah ku qaadanayay qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkanba Gobolada Dhexe u joogay dardargelinta hawlgalka militari ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa safarka ka dib halkiisa ka sii wadi doono hoggaaminta dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc