Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalay caleemo-saarka Madaxweyne Erdogan (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalay caleemo-saarka Madaxweyne Erdogan (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Ankara kaga qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, kaas oo 28-kii bishii May dib loo doortay.

Madaxweynaha ayaa Madaxweyne Erdogan iyo Xisbigiisa AK Parti ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah, ee ay ka gaareen doorashadii ku celiska ahayd ee ka dhacday dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa Turkiga u muujiyay, sida dowladdiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu faraxsan yihiin dib u doorashadiisa.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo Dowladda Turkiga horumarka muuqda, ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayay Madaxweyne Erdogan, isaga oo u rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka walaalahood ah.” Ayaa lagu yiri qoraal goor dambe oo xalay ahayd ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Erdogan ayaa Sabtidii loo dhaariyay xilka madaxtinimada ee dalkaasi, isagoona xafiiska sii joogi doona 5-ta sano ee ina soo aaddan.

Erdogan ayaa isla Sabtidii magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub, iyadoona hadda ay dowladdiisu diiradda saari doonto wax ka qabashada sicir bararka baahsan ee dalkaasi ka jira.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc