Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo ku Cumreystay Masjidka Xaramka

Madaxweynaha Somaliya oo ku Cumreystay Masjidka Xaramka

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku Cumreystay Masjidka Xaramka ee Magaalada Makka.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad iyo horumar, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ummadda Soomaaliyeed ugu duceeyay in Alle uu ka dulqaado dhibaatada ay ku hayaan kooxaha argagixisada.

“Madaxweynaha ayaa fadliga Cimrada awgeed Alle ka baryay in dalkeenna uu ka dulqaado argagixisada dhiig miiratada ah ee ku been abuuranaya magaca dinteenna suubban ee Islaamka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Waa sanadkii labaad oo xiriir ah oo Madaxweynuhu uu Cumrada ku guto Masjidka Xaramka ee magaalada barakaysan ee Makka.

Masjidka Xaramka waa kan koowaad ee ugu mudan Muslimiinta, waxaana uu ku yaallaa bartamaha Magaalada Makka, waana Masjidka Al Xaram oo qiblad ahaan ay Muslimiintu u jeedsato, marka ay salaadaha oogayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc