Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo qaabilay Wasiiru Dowlaha Difaaca Ingiriiska

Madaxweynaha Somaliya oo qaabilay Wasiiru Dowlaha Difaaca Ingiriiska

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Ingiriiska, James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayaynta ciidamada iyo la dagaalanka argagixisada oo hadda maraya heer wanaagsan, taas oo suuragelisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag, oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka.” Ayaa lagu yiri qoraal galabta ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay doorka ay ka qaadato tababarada Ciidamada Qalabka Sida, xilli ay Somaliya isku diyaarineyso inay la wareegto masuuliyadda amni ee dalka, ka dib marka ay dalka ka isaga baxaan Ciidamada ATMIS.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska, Mudane James Stephen ayaa bogaadiyay horumarada muuqda ee ay si wadajirka ah ugu tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaalanka argagixisada ee ka dhaxeeya Somaliya iyo UK.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc