Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Turkiga oo Sweden u ogolaaday inay ka mid noqoto NATO (SAWIRRO)

Madaxweynaha Turkiga oo Sweden u ogolaaday inay ka mid noqoto NATO (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa aqbalay in uu taageero xubinimada Sweden ee ka mid noqoshada dalalka ka tirsan Gaashaanbuurta NATO.

Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Madaxweyne Erdogan uu ogolaaday in Sweden ay ku soo biirto dalalka xulafada, xilli Madaxweyne Erdogan iyo Raysal Wasaaraha Sweden, Ulf Kristersson ay Isniintii xalay ku kulmeen dalka Lithuania.

Stoltenberg ayaa sheegay in Madaxweyne Erdogan uu dalabka Sweden u gudbin doono Baarlamaanka Turkiga, si uu u ansixiyo. Stoltenberg ayaa hadalkan ku dhawaaqay saacado uun ka hor shir madaxeedka NATO ee Talaadadan ka furmaya Magaalada Vilnius ee dalkaasi Lithuania.

Turkiga ayaa tan iyo sanadkii hore hortaagnaa codsiga Sweden, ka dib markii uu ku eedeeyay inay gabaad siiso mintidiinta Kurdiyiinta Turkiga ee PKK oo Turkiga, Midowga Yurub iyo Mareykanka ay u aqoonsadeen urur argagixiso.

Xubinimada NATO waxay u baahan tahay ogolaanshaha dhammaan dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga militari. Turkiga ayaana u muuqday dalka qura ee sida weyn uga biyo diidanaa in Sweden ka mid noqoto NATO.

Ulf Kristersson, Raysal Wasaaraha Sweden ayaa si weyn u soo dhaweeyay in Madaxweyne Erdogan uu ugu dambayn taageero dalabka Stockholm.

“Aad ayaan u faraxsanahay, waa maalin u wanaagsan Sweden.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Kristersson.

Ma cadda waxa Erdogan uu tani ku bedeshay, balse bayaan ay si wadajira u soo saareen, ka dib wada hadal saddex geesood ah ayaa lagu sheegay in Turkiga iyo Sweden ay si dhow uga wada shaqayn doonaan isku-duwidda la dagaalanka argagixisada iyo kor u qaadista xiriirka ganacsi.

Erdogan oo Axaddii khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa walaaca ku kordhiyay Sweden, ka dib markii dadaalada Sweden ku dooneyso ku biiristeeda NATO uu la barbardhigay dalabka Turkiga ee ku aaddan in uu xubin ka noqdo Midowga Yurub.

Si kastaba ha-ahaatee Sweden ayaa hadda dareemaysa xasillooni, iyadoona isu diyaarineysa in ay noqoto dalka 32aad ee ku biira bahwadaagta NATO. Dalka Finland ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee xubin ka noqda NATO, ka gadaal markii goluhu uu si rasmi ah xubinimada Helsinki ugu dhawaaqay 4-tii bishii April ee sanadkan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc