Home Wararka Maanta Madaxweynaha Uganda oo sheegay in 54 askari looga dilay weerarkii Buulo Mareer

Madaxweynaha Uganda oo sheegay in 54 askari looga dilay weerarkii Buulo Mareer

by Laacib

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa Sabtidii sheegay in 54 askari looga dilay weerarkii 26-kii bishii May, ee ay maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen Xerada Ciidanka Militariga Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarkan oo ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayay Shabaabka u suurtagashay inay si buuxdo ula wareegaan gacan ku haynta xeradaasi iyo guud ahaanba deegaanka Buulo Mareer.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in ciidamadiisa ay dib iska soo abaabuleen, dhowr cisho ka dibna ay dib ula wareegeen gacan ku haynta xeradaasi.

“Ciidamadeenna waxay muujiyeen adkeysi cajiib ah, waxayna ku laabteen xeradooda, ka dib markii ay dib isu abaabuleen. Tani ayaa keentay inay dib u qabsadaan xeradooda maalintii Talaadada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.

Madaxweyne Museveni oo toddobaadkii hore ka hadlay weerarkan ayaa sheegay inuu jiro khasaare ka soo gaaray Militariga Uganda, inkastoo aanu xilligaasi wax faah faahin ah ka bixin tirada askarta looga dilay weerarka ay masuuliyaddiisu sheegatay Al Shabaab.

Al Shabaab oo mar sii horreysay sheegtay inay weerarkaasi ku dileen 137 askari ayaa dib ka sheegtay in tirada dhimashada ay gaartay in ka badan 200 oo askari.

Militariga Uganda oo gacan ka helaya kuwa Dowladda Federaalka ayaa dhowr cisho ka dib ku laabtay Buulo Mareer oo hoostagta Degmada Kunturwaarey.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc