Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Ukraine oo sheegay inay gaashaan u yihiin Yurub oo dhan

Madaxweynaha Ukraine oo sheegay inay gaashaan u yihiin Yurub oo dhan

by Laacib

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dalkiisu uu dagaal dhab ah kula jiro Ruushka, si dalalka kale ee qaaradda looga ilaaliyo inaanu Ruushku weerarin.

Madaxweynaha ayaa Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ka codsaday in dowladdiisa lagu caawiyo nidaamka difaaca hawada, oo sida uu sheegay uu dalkiisu aad ugu baahan yahay.

Madaxweynaha oo ka mahadceliyay doorka Midowga Yurub ayaa dhanka kale sheegay in dagaalkan uu khuseeyo Yurub oo dhan, maadaama ay dan ugu jirto in lagu jebiyo Ruushka.

“Waa inaanu ku guuleysanaa dagaalka Ukraine, si Putin uusan ugu duulin dal kale, taasoo suurtagal ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Zelenskyy.

Dhanka kale Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa ku baaqay in xal laga gaaro is qabqabsiga u dhaxeeya Madaxda iyo Siyaasiyiinta Mareykanka, taas oo uu sheegay inay caqabad ku tahay amaba ay meesha ka saareyso kaalmada militari ee Mareykanka uu siiyo Ukraine.

“Wadamada Midowga Yurub ma buuxin karaan kaalinta Mareykanka, haddii Washington aysan sii wadin taageeradeeda militari ee Ukraine. Waxaan ku baaqaynaa in la dhameeyo khilaafka jira.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Congress-ka Mareykanka ayaan miisaaniyad sanadeedkii uu ansixiyay ku darin lacagihii uu Mareykanku ku taageeri jiray Kyiv, si ay u sii waddo dagaalka ay kula jirto Moscow.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc