Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Ukraine oo si la yaab leh shaqada uga eryay Safiirkii u joogay Britain

Madaxweynaha Ukraine oo si la yaab leh shaqada uga eryay Safiirkii u joogay Britain

by Laacib

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa shaqada ka eryay Safarkii dalkiisa u joogay Boqortooyada Midowday ee UK.

Kyiv ayaa Jimcihii sheegtay in Danjire Vadym Prystaiko aanu ahayn Safarkeeda Britain, iyadoo aan wax sabab ahi sheegin.

Danjiraha ayaa dhawaan dhalleeceeyay jawaabta Madaxweyne Zelenskyy uu ka bixiyay muranka ka dhashay mahadnaqa gargaarka militari ee ay ka helaan Ingiriiska.

Xoghayaha Difaaca Britain, Ben Wallace oo ka falcelinayay eedeymaha xoogan ee Madaxweyne Zelenskyy u jeediyay Gaashaanbuurta NATO, markii NATO ay diiday in Ukraine ay xilligan ku soo biirto isbahaysiga militari ayaa sheegay in Ukraine looga baahan yahay in ay u mahadceliso xulafada, si ay u sii wadaan kaalmada militari ee ay dalkaasi siiyaan.

Xoghayaha oo ka hadlayay Shirkii Hoggaamiyeyaasha NATO ay 11-12-kii bishan ku yeesheen dalka Lithuania ayaa sheegay in Ukreeniyeenta ay Reer Galbeedka ula dhaqmaan, sida Suuqa Online-ka wax laga iibsado ee Amazon.

Hadalkiisan ayaa muran xoogan ka dhaliyay dalka Ukraine, iyadoona Madaxweyne Zelenskyy uu ka bixiyay jawaab loo arkay mid jees jees ah.

“Sidee kale ayaan u muujin karnaa mahadnaqayaga.” Ayuu yiri Zelenskyy oo intaasi ku daray “Subixii marka aanu soo kacno waan u mahadcelinaynaa Wallace ee ha ii soo qoro oo ha ii sheego si aan ugu mahadceliyo.”

Xoghaye Wallace oo hadlayna waxa uu sheegay in hadalkiisa si khaldan loo fasirtay.

Danjire Vadym Prystaiko ayaa ka sii careysiiyay Madaxweyne Zelenskyy, markii uu sheegay inay khalad tahay in Madaxweynuhu uu moodo in subax kasta uu u mahadcelinayo Xoghayaha Difaaca Britain. Tani ayaana keentay in Madaxweyne Zelenskyy uu shaqada ka eryo.

Raysal Wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa sheegay in uu la yaabay in Madaxda Ukraine ay qawadaan/yasaan taageerada Britain.

Mareykanka iyo Britain ayaa waxaa lagu tilmaamaa labada dal ee hubka ugu badan siiya Ciidamada Ukraine, si ay isaga caabiyaan duulaanka Ruushka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc