Home Wararka Caalamka Madaxweyne Biden “Lama yaabin geerida Yevgeny Prigozhin”

Madaxweyne Biden “Lama yaabin geerida Yevgeny Prigozhin”

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay inaanu la yaabin wararka sheegaya in shir diyaaradeed uu ku dhintay Madaxii xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, Yevgeny Prigozhin.

Yevgeny Prigozhin iyo sagaal qof oo kale oo Arbacadii diyaarad ka raacay Magaalada Moscow, kuna sii jeeday Magaalada St. Petersburg ee dalkaasi Ruushka ayaa ku burburtay Gobolka Tver, oo waqooyi galbeed kaga beegan Caasimadda Moscow.

Waaxda Gaadiidka Ruushka ayaa soo saartay liis ay ku qoran yihiin magacyada dadka ku dhintay shilkaasi diyaaradeed, oo uu ku jiro Hoggaamiyihii Wagner.

Madaxweynaha Mareykanka oo dhacdadaasi ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Ma garanayno xaqiiqdii waxa dhacay, balse lama yaabin.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in inta badan aanay Ruushka ka dhicin, wax aanu ka dambayn Madaxweyne Vladimir Putin.

“Ma jiraan waxyaabo badan oo ka dhaca Ruushka oo aanu ka dambayn Vladimir Putin.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Madaxweyne Biden ayaa intaasi ku daray “Ma hayno caddeymo ku filan waxa laga yaabo inay ku dhaceen Hoggaamiyihii Wagner.”

Hoggaamiyeyaasha Gaashaanbuurta NATO ayaa tuhunsan in shirqool lagu dilay Yevgeny Prigozhin iyo Dmitry Utkin oo ka mid ahaa Saraakiisha sarsare ee Wagner, sidoo kalena diyaaradda la socday. Dmitry Utkin waxaa lagu sheegay gacanta midig ee Madaxii Wagner.

Xeeldheereyaasha ayaa sheegaya in tani ay noqon karto farriin uu Madaxweyne Putin u dirayo Saraakiisha kale ee Ciidamada Ruushka ee isku dayi kara falal liddi ku ah Aqalka Kremlin-ka ee dalkaasi looga arrimiyo.

Yevgeny Prigozhin ayaa daba-yaaqadii bishii June lagu eedeeyay in uu sameeyay isku day afgembi.

Prigozhin ayaa xilligaasi sheegay in gadoodka xoogagiisa uu la xiriiray, ka dib markii uu dhibsaday sida uu sheegay habdhaqanka Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu, kaas oo muddooyinkii ugu dambeysay uu ku eedeynayay inuu xagal daacinayo dagaalka Ukraine.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruusha oo ka carooday afgembiga dhicisoobay ayaa ku goodiyay inuu ciqaabi doono kooxda Wagner, inkastoo dhexdhexaadin uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko lagu heshiiyay in Madaxa Wagner uu musaafuris ahaan ugu noolaado dalkaasi.

Madaxweyne Putin ayaan weli ka hadlin geerida Prigozhin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc