Home Wararka Caalamka Madaxweyne Biden oo dalbaday in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee Gaza

Madaxweyne Biden oo dalbaday in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee Gaza

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa ku baaqay in la kordhiyo muddada xabad joojinta ee Marinka Gaza, si uu u sii socdo heshiiska maxaabiis is weydaarsiga ee Ururka Xamaas iyo Maamulka Israel.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in waqti dheeri ah lagu daro heshiiska xabad joojinta, si loo badbaadiyo nolosha la haysteyaasha iyo in gargaarku uu gaaro magaalada.

“Heshiiskani waxa uu keenaya natiijooyin naf badbaadin ah, iyadoo gargaarkii aadka loogu baahnaa uu halkaasi gaarayo, la haysteyaal ayaana soo baxaya.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa Warbaahinta u sheegay in ay ka sii shaqayn doonaan, sidii uu heshiisku u sii socon lahaa.

“Weli waynu ka shaqeynaynaa in ay sii socoto hakinta dagaalka, si ay u korodho natiijada ka soo baxeysa heshiiska xabad joojinta, taasina waa hadafkayaga, waa hadafka dhammaanteen, taasi oo ah in hakintu ay sii socoto.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Madaxweyne Biden ayaa tilmaamay inay doonayaan in ay arkaan la haysteyaal hor leh oo laga sii deynayo Gaza iyo in gargaar dheeraad ah uu gaaro magaalada.

“Isniinta ka dib waxaan doonaynaa in aynu aragno dad badan oo la qafaashay oo soo baxaya, isla-markaana gargaar dheeraad ah la gaarsiiyo Marinka Gaza.” Ayuu yiri Biden.

Xamaas ayaa ku baaqday in la kordhiyo muddada xabad joojinta, maadaama ay dhinacyadu haystaan fursad ay muddada xabad joojinta ku dheeraan karaan.

Heshiiska afarta maalmood ee xabad joojinta ay dhinacyadu Arbacadii gaareen ayaa maanta ku eg, tanina waxay walaac xoog leh ku haysaa qoysaska iyo ehelada dadka weli lagu haysto Marinka Gaza.

Madaxweyne Biden ayaa la sheegaya in tan iyo Jimcihii uu ka yaraaday cadaadiska xoogan ee kaga imaanaya bulshada Mareykanka, ee ku baaqaya in la soo afjaro duulaanka Israel ee Gaza, oo ay ku dhinteen kumanaan qof oo dad shacab ah.

Tani iyo markii Israel ay bilowday duulaankeeda Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 14,532 qof oo rayid ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc