Home Wararka Caalamka Madaxweyne Biden “Xamaas iyo Putin waxay ka siman yihiin hal shay”

Madaxweyne Biden “Xamaas iyo Putin waxay ka siman yihiin hal shay”

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono taageeradiisa ku aaddan Israel iyo Ukraine.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taageerada Mareykanka ee dalalkaasi ay muhiim u yihiin amniga qaranka Mareykanka.

“Taageeradeenna Israel iyo Ukraine waxay muhiim u tahay amniga qaranka Mareykanka.” Ayuu yiri Madaxweyne Joe Biden.

“Muhiim ayuu amniga Mareykanka u yahay in Israel iyo Ukraine ay ku guuleystaan dagaalka.” Ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo xalay khudbad naadir ah ka jeedinayay Xafiiskiisa Aqalka Cad ee The Oval Office ayaa waxa uu Ururka Xamaas ee ka arrimiya Gaza iyo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin uu ku eedeeyay in ay u taagan yihiin hal shay oo sida uu sheegay ay ka siman yihiin.

“Xamaas iyo Putin waxay metelaan khataro kala duwan, labadooduba waxay rabaan inay si buuxdo u baabi’iyaan dimoqraadiyadda dalalka deriska ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden oo Khamiistii ka soo laabtay safar uu ku tegay Israel.

Madaxweyne Biden ayaa shacabka Mareykanka ugu baaqay inay sii wadaan taageeradooda Israel iyo Ukraine, si ay ugu guuleystaan dagaalkan, sida uu yiri.

Waxa uu sheegay in uu Aqalka Congress-ka ka codsan doono miisaaniyad degdeg ah oo loogu yeero maalgelinta dheeriga ah, taas oo lagu maalgeliyo barnaamijyada aan caadiga ahayn ee dowladda, si loogu bixiyo danaha amniga qaranka.

“Amniga qaranka Mareykanku waxa uu u baahan yahay in uu taageero saaxiibadeenna muhiimka ah.” Ayuu yiri Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweynuhu ma sheegin inta ay gaari doonto miisaaniyaddan lagu wado inuu codsado, balse Saraakiil codsaday inaanan magacyadooda la xusin ayaa Warbaahinta u sheegay in ay gaari karto 100 bilyan oo dollarka Mareykanka.

“Waa maalgashi maangal ah oo bixin doona faa’iidada amniga Maraykanka illaa jiilal.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Waxa uu intaasi ku daray inay doonayaan in ay xaqiijiyaan in uu sii jiro nidaamka difaaca hawada Israel ee Iron Dome, kaas oo ka hortagga gantaalada lagu soo rido Israel.

“Waxaan doonaynaa in gantaalada Iron Dome ay sii wadaan ilaalintooda hawada Israel.” Ayuu yiri Biden.

Gantaaladan ayaa la aasaasay sanadkii 2011, si ay u qabtaan gantaalada ku soo socda dhulka ay Israel maamusho.

Madaxweyne Biden ayaa tilmaamay in taageeradooda Ukraine ay Ruushka ka hortaagan tahay in ay ku duulaan dalalka kale ee caalamka.

“Haddii aan Putin u ogolaano inuu tirtiro madaxbannaanida Ukraine, waxay Ruushku noqon lahaayeen kuwo ku gardarooda adduunka oo dhan, waxay ku dhiiran lahaayeen inay isku dayaan taas oo kale.” Ayuu yiri Biden.

Biden ayaa mar kale iska indha-tiray in Xamaas ay yihiin dhaqdhaqaaq wadaniyeed oo gobanimodoon ah, oo u dagaalamaya qaranimada iyo madaxbannaanida ee shacabka Falastiiniyiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc