Home Wararka Maanta Madaxweyne Biixi oo ka qaybgalay aaska askartii lagu laayay Buurta Gacan Libaax (SAWIRRO)

Madaxweyne Biixi oo ka qaybgalay aaska askartii lagu laayay Buurta Gacan Libaax (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Khabuuraha Baqiic ee Magaalada Hargeysa kaga qaybgalay aas qaran oo loogu sameeyay askartii maalin ka hor lagu dilay aagga Buurta Gacan Libaax ee Gobolka Saaxil.

Madaxweynaha Somaliland oo aaska ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa marka hore sheegay inay xanuunka la qaybsanayaan qoysaska iyo ehelada ay ka baxeen askartaasi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in sharciga la marsiin doono kuwii ka dambeeyay dilka askartaasi.

“Qaranka Somaliland saddex qodob oo keliya baa la gudboon, marka hore ciddii shirqoolkaa iyo dilkaa gaysatay, mid abaabulay, cid caawiyay iyo mid gacanta gaysatayba in la horkeeno sharciga, oo sida ay Diinta Islaamka ogoshahay la mariyo waa waajib qarankan saaran dad iyo dowladba, xukuumadduna ay garwadeen ka noqonayso.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Hay’adaha Sharciga waxaa la farayaa in ay howshaa soo dhameystiraan raadkeeda.”

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in Somaliland ay leedahay cadow badan, isla-markaana ay dadka reer Somaliland qaran ahaan ugu mideysnaadaan cadowgaasi.

“Qaranka Somaliland inaanu daafacno halgan badan baa loo soo galay, cadow badan buu leeyahay, meelo badan baa la inaga weerarayaa, inaanu qaran ahaan mideysnaano oo qaranka daafacno waa tan labaad ee maanta nala gudboon.” Ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa intaasi ku daray “Qarankani wuxuu ku dhisan yahay wadatashi, wax wada lahaansho iyo is dhaxgal, taana waxaa lagu gaari karaa keliya in taladana la wadaago, si wadatashiyana loo bilaabo doorashooyinka, iyada oo loo raacayo sharciyada dalka u dhisan.”

Tan iyo Sabtidii ayaa waxaa soo badanayay odayaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada reer Somaliland ee ku baaqaya in Xukuumadda Somaliland iyo jabhadda ka dilaacday Buurta Gacan Libaax aanay qaadin wax tallaabo ah, xaaladdana la dejiyo.

Hoggaanka Dhaqanka Somaliland ayaa Magaalada Hargeysa ka soo saaray baaq ay ku sheegayaan in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo kala shaqeynaysa nabadgelyada, si aanay dhib dambe uga dhicin Buurta Gacan Libaax.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc