Home Wararka Caalamka Madaxweyne Boric “Lama aqbali karo waxa Israel ka waddo Gaza”

Madaxweyne Boric “Lama aqbali karo waxa Israel ka waddo Gaza”

by Laacib

Madaxweynaha Chile, Gabriel Boric ayaa si kulul uga hadlay duulaanka Israel ee Gaza, isagoona cambaareeyay hawlgalka Militariga Israel ee kumanaanka qof ku dhinteen.

Madaxweynaha ayaa muujiyay walaaciisa ku aaddan duqaymaha baahsan ee Israel ka waddo Marinka Gaza, ee dhibaatada xoogga leh ka soo gaareysa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

“Waxaa ku dhintay in ka badan sideed kun oo qof, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza. Annaga oo aan ka shaki qabin ayaan leenahay jawaabta uu Militariga Israel bixiyay waxay ahayd mid xad dhaaf ah, waxayna jebineysaa sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Chile.

Waxa uu sheegay inaanan gebi ahaanba la aqbali karin waxa ka socda Marinka Gaza, isagoona yiri “Waxa Gaza ka socda ma ahan wax la aqbali karo.”

Madaxweynaha ayaa Ururka Xamaas ugu baaqay in ay sii daayaan la haysteyaasha, waxaana uu xusay inaanan dalkiisa lagu khasbi karin taageerada hal dhinac.

“Waxaan dalbanaynaa in la sii daayo la haysteyaasha, balse marnaba ma aqbalayno in na lagu khasbo inaan doorano taageerada hal dhinac ah, waxaana doonaynaa bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Madaxweyne Gabriel Boric oo hadalkan ka sheegay shir jaraa’id, ka dib kulan uu Aqalka Cad kula yeeshay Madaxweyne Joe Biden.

Madaxweyne Boric ayaa tilmaamay in dhiggiisa Mareykanka uu u sheegay in ficilada Israel ay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

“Xuquuqda ay dowladi u leedahay in ay is difaacdo waxa ay leedahay xad, xadkaas ayaa tilmaamaya ixtiraamka nolosha dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, gaar ahaan carruurta iyo ilaalinta sharciga bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Madaxweyne Boric.

Boric ayaa Talaadadii u yeeray Safiirkii dalkiisa u joogay Tel Aviv, si ay wadatashi uga yeeshaan xasuuqa Israel ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc