Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo magacaabay Wasiirada 1aad ee maamulkiisa

Madaxweyne Deni oo magacaabay Wasiirada 1aad ee maamulkiisa

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Wasiirada koowaad ee maamulkaasi, 51 maalmood ka dib, markii dib loogu soo doortay xafiiska.

Wasiirada cusub ayaa la magcaabay, xilli aan weli la soo magacaabin xilalka kale ee Wasiir Kuxigeenada iyo Wasiir Dowleyaasha.

Madaxweynaha ayaa magacaabay Wasiirada Puntland oo ka kooban 21 wasaaradood, waana wasaaradihii ugu badnaa, marka aad eegto wasaaradihii hore ee Maamulka Madaxweyne Deni.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in magacaabista Wasiiradan ay ka dambeysay, ka dib markii Madaxweynuhu uu wadatashi kala sameeyay qaybaha bulshada, oo ay ku jiraan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta.

Xubno ka mid ah Wasiiradii hore ayaa iska dhex arkay liiska cusub, kuwaa oo isugu jira kuwo dib loogu soo magacaabay xilalkii ay hayeen iyo kuwo kale oo xilal kale loo soo magacaabay.

Wasiiradii hore ee soo noqday ayaa waxaa laga xusi karaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirka Amniga, Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin, Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Caydiid Dirir iyo Wasiirka Caddaaladda, Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Ma cadda goorta uu Madaxweyne Deni soo magacaabi doono Wasiir Kuxigeenada iyo Wasiir Dowleyaasha.

Madaxweyne Deni ayaa 8-dii bishii January dib loogu soo doortay xilka, isagoona xafiiska sii joogi doona 5-ta sano ee soo socota.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc