Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo magacaabay guddi wada xaajood ka gala arrimaha doorashooyinka

Madaxweyne Deni oo magacaabay guddi wada xaajood ka gala arrimaha doorashooyinka

by Laacib

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magacaabay Guddiga Wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka Puntland.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu soo magacaabay guddigan oo ka kooban toddobo xubnood.

Madaxweynaha ayaa magacaabidda guddiga ka tala-geliyay Madaxweyne Kuxigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland, sida wareegtada lagu sheegay, isla-markaana uu tixgeliyay talo soo jeedinta bulshada qaybaheeda kala duwan.

Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeysay wajaheysay khilaaf ka dhashay nooca doorasho ee lagu wado in horaanta sanadka soo socda ay ka qabsoomto Puntland.

Guddigan oo Gudoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayay tahay in ay wada-xaajood la galaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka biyo diidan in Doorashada Madaxtooyada iyo midda Baarlamaanka Puntland ay noqoto mid qof iyo cod ah.

Madaxtooyada ayaa billihii la soo dhaafay dadaal ugu jirtay, sidii bulshada reer Puntland ay codkooda ugu soo dooran lahaayeen Madaxweynaha xigga iyo Xildhibanaada Golaha Wakiilada, balse mucaaradka ayaa qaadacay doorashada qofka iyo codka, ka dib markii Guddiga Doorashooyinka ay shaaciyeen in doorashada la qaban doono 25-ka bisha February, taas oo dhaafsiisan muddo xileedka maamulka oo ku eg 8-da bisha January.

Khilaafka maamulka iyo mucaaradka ayaa xiisad ka abuuray Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Xubnaha Guddiga Wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka:-

1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)

2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin)

3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)

4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin)

5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin)

6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin)

7. Xassan Caballa Xassan Xubin

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc