Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland

Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maanta magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku soo magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu magacaabista xubnahan wadatashi ka geliyay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Wareegtada ayaa lagu yiri “Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).

1.1. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)
1.2. Maxamed Abshir Garaad
1.3. Maxamuud Soofe Xasan

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.”

Ma cadda nooca doorasho ee Puntland ka dhaceysa, balse Madaxweyne Deni ayaa horaantii bishan sheegay in Puntland ay aadeyso sida uu yiri doorasho qof iyo cod ah oo nidaamka axsaabta badan, tani oo si weyn ay mucaaradka uga horyimaadeen.

Madaxweyne Deni ayaa xilligaasi daneeyeyaasha siyaasadda Puntland ugu baaqay in 8-da bisha January ee sanadka soo socda u soo diyaargaroobaan doorasho dimoqraadi ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc