Home Dhacdooyin Madaxweyne Deni oo mar kale xilka loo dhaariyay (SAWIRRO)

Madaxweyne Deni oo mar kale xilka loo dhaariyay (SAWIRRO)

by Laacib

Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Garoowe, isagoona xafiiska sii joogi doona 5-ta sano ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa guusha helay, ka dib wareeg saddexaad oo doorasho, iyadoo uuna helay 45 cod.

Madaxweynaha ayaa wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada kaga adkaaday musharax Guuleed Saalax Barre, kaas oo helay 21 cod, waana doorasho ay wax dooranayeen 66-ka xubnood ee Baarlamaanka Puntland uu ka kooban yahay.

Doorashada waxaa ku tartamayay 11 musharax Madaxweyne iyo 11 musharax Madaxweyne Kuxigeen.

Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa isna loo doortay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreyay Puntland ee laba xilli doorasho oo isku xigta la doorto, inta ay taariikhda qoreyso.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Deni ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa.

War qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulshaba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyay sida Dowladda Federaalka Somaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay musharaxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiilada Puntland dadaalkii ay geliyeen, sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhan yahay oo ku qabsoomta jewi nabadeed.”

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa isla maanta waxaa lagu dhaariyay Xarunta Baarlamaanka Puntland, oo ah halka ay doorasadu ka dhacday.

Madaxweyne Deni oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Waxaan dhammaan dadka reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeedba halkan uga dirayaa inaan Ilaahay ka cabsano, wixii tegay ilowno, bog cusub furano.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc