Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo ugu dambayn laalay doorashada qofka iyo codka ee Puntland

Madaxweyne Deni oo ugu dambayn laalay doorashada qofka iyo codka ee Puntland

by Laacib

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa go’aan cusub ka soo saaray qaabka ay u dhaceyso Doorashada Madaxtooyada iyo midda Baarlamaanka ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka tanaasulay doorashadii qofka iyo codka ahayd ee lagu waday in ay ka qabsoomto Puntland, balse ay si weyn uga horyimaadeeen Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa xalay ku dhawaaqay go’aankan oo sida sheegay inuusan ku faraxsanayn, balse uu u qaatay isagoo u turaya mustaqbalka dadka reer Puntland.

“Waxaan aad uga xumahay go’aan aynaan ku farxeynin inaan qaato. Waxaan rajeynaya anigoo u turayo mustaqbalka Puntland inaan halkan uga dhawaaqo in Puntland 8-da January ay doorasho ka dhacdo.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in dib loogu laabanayo qaabkii hore ee lagu soo dooran jiray Xildhibaanada Golaha Wakiilada, oo ay soo xuli jireen Odayaasha Dhaqanka, ka dibna ay Xildhibaanadu soo dooran doonaan Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa beelaha ugu baaqay in ay soo doortaan Xildhibaanadooda, ka dib tanaasul uu isagu sameeyay, taas oo ka dhalatay is mari-waaga hareeyay doorashada.

Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeysay wajaheysay khilaaf xoog leh oo ka dhashay doorashadii qofka iyo codka ahayd ee ay gadaal ka riixeysay Madaxtooyada Puntland.

Madaxtooyada ayaa billihii la soo dhaafay dadaal ugu jirtay, sidii bulshada reer Puntland ay codkooda ugu soo dooran lahaayeen Madaxweynaha xigga iyo Xildhibanaada Golaha Wakiilada, balse mucaaradka ayaa qaadacay doorashada qofka iyo codka, ka dib markii Guddiga Doorashooyinka ay shaaciyeen in doorashada la qaban doono 25-ka bisha February, taas oo dhaafsiisan muddo xileedka maamulka oo ku eg 8-da bisha soo socota ee January.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc