Home Wararka Caalamka Madaxweyne Erdogan oo ka careysiiyay Israel iyo Israel oo tallaabo qaaday

Madaxweyne Erdogan oo ka careysiiyay Israel iyo Israel oo tallaabo qaaday

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan oo galabta in ka badan hal milyan oo qof kula hadlayay bannaanbax lagu qabtay Magaalada Istanbul, laguna taageerayay Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Israel ay ka masuul tahay colaadda dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Israel ay tahay gumeyste dagaal ka wado Marinka Gaza, isagoona ku celiyay mowqifkiisii ahaa inaysan Xamaas ahayn urur argagixiso.

“Waxaan ku celinaya in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso. Israel aad bay uga xumaatay arrintan, Israel waa gumayste.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Israel waxaan kuu caddeynaynaa inaad tahay dembiile dagaal, caalamkana waan u diyaargaroobaynaa, waxaana Israel ugu soo bandhigi doonnaa adduunka inay tahay dembiile dagaal.”

Madaxweyne Erdogan ayaa Reer Galbeedka ku eedeeyay in ay yihiin dembiilaha ugu weyn ee waxa ka socda Gaza, maadaama ay Israel ku gacan siinayaan gabood-faladeeda Gaza.

“Dembiilaha ugu weyn ee ka dambeeya xasuuqa ka socda Gaza waa Reer Galbeedka.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo sidoo kale xulafada Israel ee galbeedka ku eedeeyay inaanay doonayn xabad joojinta Gaza.

Recep Tayyip ErdoÄŸan, Madaxweynaha Turkiga ayaa Hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedka ku dhalleeceeyay in ay ka ilmeeyeen dadka rayidka ee ku dhintay dagaalka Ukraine, taasi bedelkeedana ay indhaha ka qarsanayaan gumaadka ay Ciidamada Israel ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta.

“Waan ka soo horjeednaa dhammaan laba wejiileynta iyo nooc kastoo munaafaqnimo ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi raaciyay “Dhageyso baaqa wada hadalka, cidna kuma lumin doonto nabad caddaalad ah.”

Madaxweyne Erdogan ayaa Dowladaha Islaamka ugu baaqay in ay u midoobaan xasuuqa dadka Gaza, si xal loogu helo fal dembiyeedyada soo noqnoqday ee Israel.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay Garoonka Ataturk ee Magaalada Istanbul, iyadoona uu isu soo baxaan soo qaban-qaabiyay Xisbiga talada dalkaasi haya ee AK Party. Bannaanbaxan ayaa ahaa mid lagaga soo horjeedo duqaymaha sii kordhaya ee ay Israel ka gaysaneyso Gaza.

Dhanka kale Israel oo ka carootay hadalka Madaxweyne Erdogan ayaa diblomaasiyiinteeda ku wargelisay in ay dalkaasi isaga soo baxaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Eli Cohen ayaa sheegay in diblomaasiyiinta Israel uu ku amray in ay Turkiga isaga soo taggaan, sababo ku aaddan waxa uu ku sheegay hadalada xanafta leh ee ka imaanaya Turkiga.

“Marka la eego hadalada xanafta leh ee ka soo yeeraya Turkiga, waxaan amray in ay dib uga soo laabtaan dalkaasi wakiiladeenna diblomaasiyadeed, si aynu dib ugu qiimeyno xiriirka Israel iyo Turkiga.” Ayuu yiri Wasiirka.

Ku dhawaad sideed kun oo qof oo shacab ah ayaa ku dhintay duqaymaha baahsan ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc