Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale ku guuleystay xilka madaxtinimada ee dalkaasi, ka dib doorashadii ku celiska ahayd ee maanta ka dhacday dalkaasi.
Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in la tiriyay boqolkiiba 97 sanaadiiqda codbixinta, iyadoona uu Madaxweyne Erdogan helay 52.1%, halka Kemal Kilicdaroglu uu isna helay 47.9%.
Guddiga Doorashooyinka Turkiga ayaa la filayaa in goor dhow ay ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ee doorashada.
Dib u doorashada Erdogan ayaa ka dhigan in dadka dalkaasi ay la dhacsan yihiin siyaasaddiisii uu horaan wax badan kaga bedelay siyaasadda gudaha iyo midda dibadda ee Turkiga.
Madaxweyne Erdogan oo dalka soo xukumayay labaatankii sano ee ugu dambeysay ayaa wax weyn ka bedelay haykalka dowladnimo ee dalkaasi.