Home Wararka Caalamka Madaxweyne Erdogan “Ukraine waxay u qalantaa inay ka mid noqoto NATO” + SAWIRRO

Madaxweyne Erdogan “Ukraine waxay u qalantaa inay ka mid noqoto NATO” + SAWIRRO

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ukraine ay u qalanto inay si buuxdo uga mid noqoto Gaashaanbuurta NATO.

Madaxweynaha oo xalay Magaalada Istanbul ku qaabilay dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu taageersan yahay xubinimada Ukraine ee dalalka isbahaysiga.

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayay shir jaraa’id oo si wadajira ay u qabteen Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in dalka ay dagaaladu aafeeyeen uu u qalmo ka mid noqoshada bahwadaagta NATO.

“Ukraine way u qalantaa inay ka mid noqoto isbahaysiga militariga ee NATO.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo intaa ku daray “Shaki kuma jiro in Ukraine ay u qalanto xubinimada NATO.”

Madaxweyne Zelenskyy oo booqasho ku maraya dalalka Qaaradda Yurub ee xubnaha ka ah NATO ayaa dadaal ugu jira, sidii dalkiisu uu xubin uga noqon lahaa xulafada.

Zelenskyy ayuu qorshihiisu yahay in dowladdiisu loo ogolaado inay ka mid noqoto bahwadaagta NATO, marka uu dhammaado dagaalkan ay Ruushka kula jiraan, si Ukraine ay u hesho damaanad amni.

Hogaamiyeyaasha NATO ayaa lagu wadaa in shir laba maalmood soconaya uu Talaadada uga furmo Magaalada Vilnius ee dalka yar ee dhaca Gobolka Baltic-ga.

Hogaamiyeyaasha NATO ayaa la filayaa inay Kyiv u xaqiijiyaan in maalin uun ay ku soo biiri doonto isbahaysigooda.

Socdaalka Hoggaamiyaha Ukraine ee Turkiga ayaa noqonayo kiisii ugu horreyay ee dalkaasi uu ku taggo, tan iyo markii uu Ruushku weeraray Ukraine.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc