Home Wararka Maanta Madaxweyne Guudlaawe oo degmo u aqoonsaday Alkowsar (SAWIRRO)

Madaxweyne Guudlaawe oo degmo u aqoonsaday Alkowsar (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo gelinkii dambe ee Khamiistii gaaray deegaanka Alkowsar ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa deegaankaasi u aqoonsaday degmo.

Madaxweynaha oo abaabul ciidan ka wada furimaha dagaalka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Alkowsar, oo ka mid ah deegaanada wejigii hore ee hawlgalka laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay bulshada deegaanka ayaa ku bogaadiyay, sida dhiiranaanta leh ee ay uga horyimaadeen maleeshiyadaasi iyo garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada.

Madaxweynaha ayaa fagaarahaasi kaga dhawaaqay in wixii hadda ka dambeeyo ay Alkowsar ka mid tahay Degmooyinka Gobolka Shabellaha Dhexe, si degdeg ahna looga hirgelin doono mashaariicda horumarineed ee lagama maarmaanka ah.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa bulshada reer Hirshabelle iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay u soo baxaan dhameystirka haraadiga sida uu yiri cadowga Al Shabaab.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa tuutaha u xirtay dagaalka ay tahay in Shabaabka lagaga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin Hirshabelle. Shabaabka ayaa Hirshabelle kaga sugan deegaanada dhaca daanta galbeed ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa Talaadadii saldhig ka sameystay deegaanada Cadcadey iyo Caddaanlaxey, si uu halkaasi dagaalka uga hoggaamiyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc