Home Wararka Maanta Madaxweyne Guudlaawe oo kormeeray aagga goobta lagu go’doomiyay Shabaab (SAWIRRO)

Madaxweyne Guudlaawe oo kormeeray aagga goobta lagu go’doomiyay Shabaab (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo xubno uu horkacayo ayaa maanta gaaray dhul beereedka Ciid Ciidka ama Jimbilow, oo maalmahaanba ay ciidamadu ku go’doomiyeen maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa maleeshiyadaasi kula dagaalamayay godadka ay ka qoteen inta u dhaxeyso Degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa dhiirigelin ugu tegay ciidamada, oo uu u sheegay in mar dhow uu soo gaari doono gurmad, mintidiintana ay ka kici doonaan aagaggaasi.

Madaxweynaha oo bogaadiyay doorka labada ciidan ayaa tilmaamay in wixii duruufo ah ee jira ay qaab hoose uga wada hadli doonaan.

“Shabaab waan ka adkaanay, waana ka adkaanaynaa Ilaahay idinkiis, wixii dhiman waa la dhameystiraa, Shabaab-na rafashadii ugu dambeysay ayuu joogaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxa kaloo uu yiri “Waan dareemi karaa xaaladda aad ku jirtaan, hoos ayaana uga ballamaynaa wixii duruufa ah ee deegaanka ee dagaalka looga baahan yahay ama duruufaha kale ee deegaanka ka jira.”

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa intaasi raaciyay “Nimanka meeshaan ku jiro waqti kooban ayaa Ilaahay idinkiis looga bixinaya, gurmadna waa soo socdaa, korna waa laga garacaa, hoosna waa laga gelayaa.”

Madaxweyne Guudlaawe ayaa muddooyinkii ugu dambeysay furimaha hore u joogay dardargelinta hawlgalka militari ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Socdaalkiisan aagga Ciid Ciidka ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Amniga, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre, Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxiin Ciise Caddow iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc