Home Wararka Maanta Madaxweyne Guudlaawe oo kormeeray xaafadaha Jowhar ee roobabku saameeyeen (SAWIRRO)

Madaxweyne Guudlaawe oo kormeeray xaafadaha Jowhar ee roobabku saameeyeen (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kormeeray xaafadaha Magaalada Jowhar, ee ay saameeyeen roobabka maalmihii ugu dambeysay ka da’ayay magaaladaasi.

Xaafadda Badda Cas oo ka mid ah xaafadaha magaaladaasi ayaa la sheegay inay saameeyeen daadadka ku roo rogmaday magaalada.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Talaadadii booqday xaafaddaasi, xilli ay ka socdeen dadaalo looga saarayo biyaha, isagoona u kuurgelayay xaaladda dadka ay biyuhu saameeyeen.

Madaxweynaha ayaa faray Maamulada Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, Wasaaradda Gargaarka iyo Guddiga Gurmadka Fatahaadaha inay qiimeyn ku sameeyaan baaxadda daadadka iyo fatahaadaha ka jira Magaalooyinka Beledweyne iyo Mahadaay oo dad ku dhinteen.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda iyo Duqa Magaalada Jowhar.

Hirshabelle ayaa ka mid ah Dowlad Goboleedyada ay dhibaatadu ka jirto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc