Home Wararka Maanta Madaxweyne Guudlaawe oo u hanjabay kuwa hurinaya isku dhacyada beelaha

Madaxweyne Guudlaawe oo u hanjabay kuwa hurinaya isku dhacyada beelaha

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku goodiyay in maamulkiisu uu gacan adag ku maareyn doono dilalka aanooyinka beelaha ee ku soo noqnoqday Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in muddo saddex bilood ay meel u fadhiyeen, sidii loo soo afjari lahaa isku dhacyada beelaha deegaanka, balse ay xujo ku noqotay xal u helidda colaadda beelaha.

“Waxaad ogtihiin muddo ka badan saddex bilood ayaan meel u fadhinay, sidii beelo walaalo ah oo dagaalamay u heshiisiin lahayn, haddii aan meel ka dhamaynaba, meel kale ayay ka liicee.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa culimada iyo odayaasha deegaanka ugu baaqay in ay dhexda u xirtaan wax ka qabashada isku dhacyada beelaha.

“Culima’udiinka iyo odayaasha ku nool deegaanada Hirshabelle inay u duubtaan dadka is dilaya, qof welibana wixii ay xaq u leedahay loo sheego, intaas ayaan ka codsanaynaa odayaasha iyo culimada.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa carabka ku adkeeyay in hadda ka dib uu maamulkiisu sharciga u adeegsan doono kuwa dhibaatooyinka ka dhex abuuraya beelaha, qof kastana uu mudan doono waxa uu caddaaladda ka helo.

“Annaga dowlad ahaan waxaan ballanqaadaynaa in dowladnimo iyo sharciga aan ku dhaqno, garsoorkiina waan dhameystirnay, waxaana ballan ah in qof weliba sharciga wixii ay ka hesho aan marsiin doono, haddii Ilaahay raali ka noqdo.” Ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe oo warkan ku sheegay muuqaal xalay lagu baahiyay barta Madaxtooyada Hirshabelle.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Cadale, Muuse Maxamed Axmed ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin dilalka aanooyinka qabaa’ilada ee ku soo badanaya deegaanada hoostagga degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Shabaabku ay hurinayaan isku dhacyada beelaha ee ka jira deegaanadii gobolka ee horaan laga saaray maleeshiyadaasi.

Shan qof ayaa habeen hore lagu dilay duleedka deegaanka Xaaji Cali oo hoostagga Degmada Cadale, kuwaa oo ay dileen kooxo hubeysan.

Dadkan oo isugu jiray macalin iyo ardaydiisii ayaa jidka loo galay, xilli ay ka soo laabteen dhisme cusub oo sida la sheegay ay Quraan ku soo akhrinayeen. Dhammaan dhibaneyaasha ayaa hal qoys ka soo wada jeeday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc