Home Wararka Maanta Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo gaaray Degmada Beledxaawo (SAWIRRO)

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo gaaray Degmada Beledxaawo (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan goleyaasha kala duwan ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay degmadaasi.

Maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa la arkayay, iyagoo ku soo dhaweynaya xarunta degmada.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa intaasi ka dib waxa uu halkaasi kula kulmay Masuuliyiinta Maamulka Degmada Beledxaawo iyo Saraakiisha Ciidamada.

Ma cadda waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen, balse socdaalkiisan Beledxaawo ayaa qayb ka ah booqashadii uu maalmahaanba ku marayay degmooyinka gobolkaasi, ee lagu soo afjarayay khilaafka muddada dheer hareeyay gobolka.

Siyaasiyiinta reer Gedo ee garabka mucaaradka iyo wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa Talaadadii Degmada Doolow kaga dhawaaqay in wada hadal lagu xaliyay khilaafkii muddada dheer soo jiitamayay ee labada dhinac ka dhex taagnaa.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa afar sano ka dib ku guuleysatay inay dib ugu soo laabato gobolkaasi, oo muddadaasi siyaasad ahaan ka go’naa Jubbaland inteeda kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc