Home Wararka Maanta Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Laascaanood (SAWIRRO)

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Laascaanood (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalooyinka Yagoori iyo Laascaanood.

Yagoori oo dhacda Bariga Gobolka Sool waxay ka mid tahay goobaha ay Ciidamada SSC dagaalka kula wareegeen maalintii Jimcaha.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ayaa waxaa magaalooyinkaasi ku soo dhaweeyay Garaadada Dhaqanka SSC, siyaasiyiinta, waxgaradka, dhallinyarada iyo haweenka deegaanka.

Axmed Karaash oo ka mahadceliyay sida diiran ee halkaasi loogu soo dhaweeyay ayaa sheegay in Puntland ay garab taagan tahay dadka reer SSC Khaatumo.

Waxa uu sheegay inay ixtiraamayaan go’aanka dadka deegaanka, haddii ay Puntland wax ku darsanayaan iyo haddii ay gonidooda u noqonayaan maamul gaar ah, isla-markaana ay ku garab siinayaan, illaa iyo inta ay cagahooda kaga istaagayaan.

Karaash ayaa xusay inaanay Puntland qayb ka ahayn dagaalada Gobolka Sool, wixiise hadda ka dambeeyo ay dadka deegaanka ku gacan siinayaan, halganka uu sheegay in ay ku difaacayaan naftooda iyo deegaankooda.

“Ugu dambayn waxaan u mahadcelinayaa guud ahaan bulshada deegaanka, oo uu ugu horreyo Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye & guddoonkiisa, Isimada Dhaqanka, Cabdirisaaq Khaliif Axmed (Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland), sidoo kale waxaan bogaadin iyo mahadcelin ballaaran u dirayaa Saraakiisha, naftood hurreyaasha ciidanka, jamaahiirta, haweenka iyo dhallinyarada.” Ayuu yiri Karaash.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc