Home Wararka Maanta Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Degmada Buurhakaba (SAWIRRO)

Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Degmada Buurhakaba (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Degmada Buurhakaba, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ma cadda ujeedada uu haatan Madaxweynuhu u tegay degmadaasi, balse deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo loogu diyaargaroobayo wejiga labaad ee hawlgalka.

Waa safarkii labaad ee Madaxweynuhu ku taggo Buurhakaba, wax ka yar muddo laba bilood.

Safarkiisan ayaa imaanaya, iyadoo Buurhakaba ay markii ugu horreysay bishii hore ee July yeelatay Gole Deegaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc